Haweeneydii u horeysay oo isku soo sharaxday xilka Madaxweynaha Gobolada Dhexe

ww22

Marwo Dahabo Cabdi Maxamed (Dahabo Cuud ayaa isku soo sharaxday xilka Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, iyadoo noqotay Haweeneydii u horeysay oo musharax ah.

Musharax Dahabo Cuud ayaa munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho kaga dhawaaqday inay tahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Gobolada Dhexe, waxaana soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo haweenka.

Sidoo kale waxaa munaasabada ka qeyb galay odayaa dhaqameed, waxgarad, siyaasiyiin, haween iyo jaaliyadaha dibada ee ka soo jeeda Gobolada Dhexe.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuula Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegtay inay soo dhoweyneynaan musharaxad Dahabo Cuud, waxaana ku dhiira gelisay go’aankeeda ay ugu istaagtay inay musharax noqonto, iyadoo ugu baaqday Ergooyinka tagi doona Cadaado inay codka siiyaan.

Waxaa kaloo munaasabada ka hadlay Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Maxamed Cabdi Shiddo oo sheegay inay soo dhoweynayaan musharaxnimada Dahabo Cuud, waxaana ay tilmaameen in haweenka ay udub dhexaad u yihiin bulshada, sidaas darted ay u qalmaan inay noqdaan hogaanka bulshada.

Ugu dambeyn Musharax Dahabo oo ku soo waxbaratay dalka Pakistan, xilalna ka soo qabatay dowladdihii KMG ahaa iyo ururada bulsada rayidka ayaa ka hadashay waxyaabaha ku dhaliyay inay u istaagto musharaxnimada, waxaana ay xustay inay diyaar u tahay samata bixinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolada dhexe oo markii ay bur burtay heykalkii dowladnimo ay la deris noqdeen dhibaatooyinka kala duwan, sida colaadaha, aafooyinka, barakaca, is aamin la’aanta, nabadgelyda xumada sidaas darteed ay isu aragtay inay wax ka qaban karto dhibaatooyinkaas bulshada daashaday.

Musharax Dahabo Cabdi Maxamed (Dahabo Cuud) ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay isbedel ku dhaca xaaladda nololeed ee bulshadda ku dhaqan goboladda dhexe si ay u helaan xuquuqdooda aas aasiga ah sida nabad gelyo, caafimaad, waxbarasho, cadaalad, horumar, shaqo abuur iyo dhaqaale ku filan.

Musharaxada ayaa caddeysay in isbedelakaas loo baahan yahay uu ku iman karo hogaan toosan oo diyaarsan, waxaana ay balan qaaday hadii ay loo doorto xilka Madaxweynaha ay nafteeda u hureyso, kana faa’iideysaneyso aqoonteeda, isticmaaleyso khibradda ay u leedahay dowlad wanaaga iyo dimoqoraadiyadda, kuna hagayso dadkeeda cadaalad, sinaan iyo wadaninimo, iyada oo soo nooleynayso midnimadda, wadajirka, iskaashiga, sharciga iyo kala danbeynta.

BATUULO AXMED GABALEDAHABO CABDI MAXAMED 1DAHABO CABDI MAXAMED

 

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s