Hay’adda CED oo 40 haween ah tababar ugu soo xirtay.

22

Xarunta Horumarinta Waxbarashada ee CED ayaa ugu soo xirtay Muqdisho tababar socday labo maalmood 40-haween ah oo ka socday 20 ururrada haween oo ka howlgala gobolka Banaadir.

Tababbarkan oo ahaa awood-siinta haweenka si ay xuquuqdooda u heli lahaayeen ayaa wuxuu qayb ka yahay barnaamij lagu kordhiyo tayada haweenka oo hay’adda CED ku caawinayso Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo tababarkan midkii ka horreeyay loo qabtay illaa 100 haween ah oo ka kala socday 20 urur oo ka dhisan Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed; Canab Xasan Cilmi oo ka hadashay tababarkan ayaa uga mahad-celisay hay’adda CED sida ay isku howshay kor u qaadidda aqoonta haweenka Soomaaliyeed iyo horumarintooda, iyadoo xustay in illaa sannadkii hore ay 20 ururro oo kala duwan u qabteen  tababbaro kor loogu qaadayay aqoontooda.

Sidoo kale, Canab Xasan ayaa ugu baaqday hay’adda CED inay kordhiso tababaradan lagu awood-siinayo haweenka, isla markaana la gaarsiiyo deegaanno ka baxsan Muqdisho, sida gobollada kale ee dalka.

Agaasimaha hay’adda CED, Inj. C/llaahi Cal Xasan ayaa sheegay inuu tababarkan wax badan ka tari doono tayeynta ururrada ka shaqeeya arrima haweenka iyo caruurta, isagoo xusay inay is bedel ku sameynayaan karaan halka ay haatan joogto Soomaaliya; ay gaarsiiyaan meel ka  wanaagsan.

Inj. Cabdullaahi Cali ayaa intaas ku daray in barnaamijkan uu qayb ka yahay in haweenka tayadooda kor loo qaado mid urur iyo mid gaar ahba, wuxuuna raaciyay inuu barnaamijkan awood siinta haweenka ah soconayo muddo labo sanadood ah, isagoo soo billowday bishii Maarso ee sannadkii 2014-kii, kuna eg-yahay bisha Febraayo ee sannadka 2016-ka.

“Sannad ayaa kasoo wareegatay markii aan barnaamijkan billownay, waxaan ku faraxsan-nahay in mirihiisa wax badan laga arkay. Illaa 100 haween ah oo lagu billaabay tababarkan ayaa tayadooda kor loo qaaday,” ayuu yiri Inj. Agaasimaha hay’adda CED.

Guddoomiyaha ururka jilayaasha aan dowliga ahayn; Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo isna gunaanadkii tababarka ka hadlay ayaa sheegay inay tahay howl looga mahad-celiyo hay’adda CED in maanta ay tababarto Haweenka Soomaaliyeed, isla markaana 1,000 haween ah la tababbaro, ayna kasoo baxdo hoggaaminta wanaagsan ee bulshada.

Ugu dambeyn, tababarkan ayaa waxaa ka qayb-galayaashii 40-ka haween ahaa waxaa lagu guddoonsiiyay siiyay shahaadooyin, iyagoo ballan-qaaday in wixii ay ka kororsadeen ay gaarsiin doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

2015322635626326260647421DSC06590

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s