Kulan Lagaga Hadlayay Dhibaatooyinka Uu Leeyahay Gudniinka Ficooniga Ahi Oo Hargeysa Lagu Qabtay

11221122

Kulan lagaga hadlayay sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka ay haweenku kala kulmaan Gudniinka fircooniga ah, ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda Hargeysa.

Munaasibad lagu qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Shukri Xariis Ismaaciil, Wasiir ku xigeenka Cadaalada Nuur Cismaan Guuleed, xubno ka tirsan madaxda dhaqanka, Ururada daneeya xuquuqda Haweenka iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Ugu horayn Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa munaasibadaasi ka hadashay, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Sandkan halkudhega caalamiga ah ee la qaatay waxa weeyaan dhamaan dadka aqoonta leh ee ka shaqeeya Xarumaha Caafimaadka inay ka qayb qaataan sidii loo joojin lahaa gudniinka Gabdhaha ee waxyeelada leh una dhaga nuglaadaan oo ay dhagaha u furan, baaqa caalamiga ah, shuruudaha Caafimaadka ah ee caalamiga iyo ta Islaamiga ah ee Culimadeena ay farayso, aad baanan idinku hambalyaynayaa ka soo qayb-galkan. Waa kulan hawleed, maaha dabaal deg waa kulan hawl inaga sugaya oo u baahan in aynu meel uga soo wada jeedsano oo aynu fulino oo dalkeena iyo dadkeenaba u horseedno horumar.”
Gudniinka

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Culimada waxaan u soo jeedinayaa baaq ah dadka bara, Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Wasaaradda Caafimaadka waxaan ka codsanayaa inay aqoonyahan iyo Haweenkan la tababarayo ee loo jeedinayo baaqa ah mihnadlayaasha Caafimaadka ee ah, gaar ahaan dadka Caafimaadka ka shaqeeya ee Xarumaha Caafimaadka jooga in lagu tababaro qaabkii wanaagsanaa ee Sharciga ahaa ee aan waxyeelada lahayn , wax tar mooyaane in la baro. Markaa waxaynu u baahanahay in aynu arrintaasi si fiican u darisno oo uga baaraan degno.”

Caaqil Maxamed Xirsi oo ka mid ah Cuqaasha Gobolka Maroodijeex oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Diinta Islaamku ay xaarantinimaysay Gudniinka fircooniga ah, waxaanu yidhi “Shareecada Islaamku waxay ka taagan tahay Gudniinka fircooniga ahi inuu xaaraan yahay, maadaama oo uu sidaa yahay hadaanu hogaamiye dhaqameedkii Somaliland nahay cid kasta waxaanu u sheegaynaa anagu waxaanu taaganahay ha la joojiyo.”

Dhinaca kale xubno ka mid ah Ururada Haweenka ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqada Haweenka ayaa ka waramay marxaladihii loo soo marayn sidii bulshada laga wacyigeliyo dhibaatooyinka ay haweenku la kulmaan.

Xigasho  ,Somaliland.Org

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s