Al Shabaab oo qoysas badan ku khasabtay inay guryahoodu isaga barakacaan

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay qoysas fara badan ku khasbeen inay guryahoodu isaga barakacaan, ka dib markii ay go’doomiyeen wadooyinka gala goobaha ay ku nool yihiin.

Shacabka ku dhaqan Degmooyinka Waajid, Xudur iyo Tiyeeglow, ayaa waxay isaga barakacayaan guryahooda, sababo ku aadan Shabaabka oo weli go’doomin xoogan ku haaya Degmooyinkaasi.

Shacabka, ayaa waxaa la soo deristay macluul ka dhalatay gaadiidkii ganacsiga, oo ay Shabaabku u diideen inay gudaha u galaan Degmooyinkaasi. Waxayna taasi sababtay in dadku la soo gudboonaato sicir barar aynaan taag u hayn.

Ganacsatada ku sugan Degmooyinka la go’doomiyay, ayaa waxay sare u qaadeen qiimihii caadiga ahaa ee raashiinka la kala siisan jiray, ka hor intii aynaan Shabaabku go’doomin. Ganacsatada ayaa iibinaaya raashiinkii ay keydka u heysteen.

Maxamed Cabdi Tool, Gudoomiyaha Gobolka Bakool waxa uu sheegay in shacabku ay la soo deristay dhibaato muuqato, isla-markaana ay bilaabeen inay guryahoodu isaga cararaan.

Tool oo la hadlay Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaaya in Dowladda Somaliya looga baahnaa inay go’doominta ka saarto Degmooyinkaasi, haddii ay iyagu xoreeyeen Degmooyinkaasi, sida uu yiri.

Waxaa fashilmay dadaalo lagu doonaayay in Shabaabka looga saaro wadooyinka soo gala Degmooyinka Gobolka Bakool ka tirsan, ee ay sida adag u go’doomiyeen.

Shabaabka, ayaa waxaa lagu eedeeyay in ujeedadoodu tahay in la waayo dad ay maamusho Dowladda, oo ku nool Degmooyinkii laga fara maroojiyay sanadkii tagey.

Xigasho jowhar

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s