Hey’adda CED oo Tababar u furtay 20 Urur haween ka howl gala Gobolka Banaadir

123123

Center for Education and Development, Hay’adda Waxbarashada iyo Hormarinta oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (CED) ayaa 21-kii December ee sanadkii 2014 waxa ay Magaalada Muqdisho Tababar ugu qabatay 20 haween ah oo ka kala socdo 20 ka mid ah ururada haweenka ee ka howgala Magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo cinwaankiisu ahaa (Resource Persons Training for 20 CSOs Organizations, 21st-25th December,2014) oo ujeedadiisu aheyd in ilaa iyo 20 ururo haween loo tababaro dad ka caawiyo hormarka iyo sidii uu ururka waxqabad wanaagsan u lahaan lahaa isla markaana ay xoojiyaan dhismaha iyo qaabka uu ururka u shaqeeyo.

Tababarkan oo soconayay mudo shan maalin ah isla markaana ay qabashadisu iska kaashadeen Hay’adda CED iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Dimuqraadiyadda ee United Nation’s Democracy Fund oo marka magaceda la soo gaabiyo loo yaqaano (UNDEF) ayaa waxa lagu baranayay sidii sare loogu qaadi ah waxqabadka iyo koritaanka ururada haweenka.

Ugu horeyn furitaankii Tababarka waxaa ka hadlay Agaasimaha Hay’adda CED, Eng. Abdullahi Ali Hassan oo ka soo qeybglayaasha ku soo dhaweeyay xarunta Hay’adda CED oo ah goobta tababarka lagu qabanayay. Agaasimaha ayaa si kooban uga hadlay waxqabadka iyo howlaha gargaarka bani’aadanimo ay Hay’adda CED ka wado gobalada dalka. Intaasi kadib Agaasimaha CED, Eng. Abdullahi Ali Hassn ayaa ka hadlay muhiimada tababarkani u leeyahay ururada haweenka isla markaana loo baahanyahay marka ay ururadooda dib ugu laabtaan in ay ka caawiyaan xoojinta iyo sare u qaadida uraradooda. Agaasimaha ayaa sidoo kale hadalkisa ku sii daray in mudada shanta maalin ah uu tababarkani soconayo in ay ku baran doonaan casharo aad muhiim u ah oo la xiriira howlahooda.

Casharada muhiimka ah ee Tababarkani lagu baranayay ee la xiriira xoojinta, hormarinta iyo sare u qaadidda howlaha ururada bulshada rayidka gaar ahaan ururada haweenka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah: Sare u qaadidda hogaanka ururada, fulinta mashaariicda, maamulidda maaliyadda ururka iyo u ololeynta iyo isku xirka ururada bulshada rayidka.

Tababarkan ayaa mudadii shanta maalmood aheyd waxa ku soo dhamaaday jawigii loogu talagalay ayadoo gabagabadiisana ay ka soo qeyb galeen masuuliyinta 20-ka urur ee tababarka u socday. Ka soo qeybgalayaashii tababarkan ayaa waxa ay si aad ah ugu mahadceliyeen Hay’adaha CED & UNDEF iyo Macalinkii tababarka bixinayay ayagoo sido kalena goobta ka soo jeediyay casharadii ay baranayeen mudada shanta maalin ah iyo weliba qaabka ugu macquulsan ay ugu dabaqi doonaan daruustii ay soo barteen howlaha ururadooda. Xubnihii tababarka u soo xirmay ayaa sidoo kale soo bandhigay istaraatiijiyadooda ku aadan sidii ay u xoojin lahaayeen isla markaana ay u hormarin lahaayeen howlaha & waxqabadka ururadooda iyo weliba qaabkii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha horyaala isla markaana ay fursadaha jira uga faa’iideysan lahaayeen.

Ugu dambeyn waxaa Tababarkan soo xeray oo hadal ka jeediyay Agaasimaha Hay’adda CED, Eng. Abdullahi Ali Hassan oo sheegay in ay sii socon doonaan tababarada noocani oo kale ah ee lagu xoojinayo awoodda ururada Bulshada Rayidka gaar ahaan kuwa haweenka ah ee ka howgala Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

hhhhhh1hhh2hhh3hhh4hhh5hhh6hhh7hhh8hhh9

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s