Haweeney Garaarad ah oo lagu caleemo saaray Magaalada Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu caleemo saaray haweeney Garaarad ah, markii ugu horeysay, taariikhda inta ay xuseyso, iyadoo ay sheegtay inay ka shaqayn doonto xuquuqda haweenka, ee dhanka Siyaasada.

Garaadada oo lagu magacaabo Rooda Maxamed Xuseen, ayaa waxay sheegtay in fikirkaan uu ku dhaliyay, markii ay aragtay caqabadaha dhanka Siyaasada ka heysata haweenka Geeska Afrika, gaar ahaan haweenka ku nool deegaanada afka Somaliga looga hadlo.

Sidoo kale waxay sheegtay inay ku qanci weyday habka ay wax u soo xulaan Odayaasha Dhaqanka ee Somalida, iyadoo ku eedeysay inaanay inta badan Siyaasada u soo xulan dumarka, oo ay soo magacaabaan ragga oo kaliya.

Garaadada waxay ku andacooneysaa in haweenku ay aad uga maqan yihiin saaxada Siyaasada, isla-markaana ay isku hawli doonto, sidii dumarka Somaliyeed ay kaalin ugu yeelan lahaayeen Siyaasada.

Mar wax laga weydiiyay qaabka loogu caleemo saaray Magaalada Muqdisho, ayay ka dhawaajisay in lagu caleemo saaray qaabkii soo jireenka ahaa, ee Odayaasha Dhaqanka lagu caleemo saari jiray, isla-markaana lagu shubay caanihii dhaqanka ahaa.

Rooda waxay kaloo sheegtay in caleemo saarkeedu ay ka soo qaybgaleen Odayaal Dhaqameedyo iyo  Siyaasiyiinba, isla-markaana ay aad iyo aad ugu faraxsan tahay inay noqoto Garaarad.

Rooda, ayaa xustay inay dad badani soo dhaweeyeen tallaabada ay horey u qaaday, halka dad kalana ay ka horyimaadeen, isla-markaana waxay walaac ka muujisay dadka saluugaaya Garaadnimadeeda.

Garaadada, ayaa waxay qurbo joogta ku ammaantay inay iyagu ku dhaliyeen fikirkaan ah inay Garaarad noqoto, ayna taageero u muujiyeen.

Dhacdadaan, ayaa waxay noqoneysaa mid cusub oo ku soo korortay saaxada dalka, waxayna u muuqataa in ay reebi doonto dood adag, maadaama ay dhinac mareyso dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalida.

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s