Qoraa Sahro Ahmed Koshin oo Garoowe ku soo bandhigtay Buugga Dhawaaqa Farxadda

12

Todobaadkii hore magaalada Garoowe waxaa lagu soo bandhigay buug lagu magacaabo (Sounds of Laughter) Dhawaaqa Farxadda oo ay qortay Sahro Ahmed Koshin oo horay u qortay dhowr buug.

Bandhiga buuggan oo lagu qabtay Hoolka shirarka Jaamacada PSU waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday Maamulka Gobolka, Wasaaradaha Waxbarashada, Haweenka, Aqoon yahano, hay’ado iyo Maamulka Jaamacada PSU.

 

Sahro Ahmed Koshin oo qortay Buuggan ayaa khudbad ay kaga hadlayso buugga ka jeedisay goobta waxay sheegtay in buugan uu yahay mid ay ku soo bandhigtay Gabayo kala duwan oo ay curisay kana hadlaya inta badan waxtarka haweenka, Sahra waxay sidoo kale xustay in faa’iido badan u leeyahay buuggan dadka doonaya in ay waxka Ogaadaan Faraxada nolasha oo ku cabiran suugaan wanaagsan.

Buuggan oo ah mid ay aad u xiisaynayeen dadka ka qayb galay bandhiga ayey Sahro  sheegtay in qofkii doonaya uu ka heli karo barro Internet ay ka iibsan karaan sidoo kalana gudaha Puntland ay ka heli karaan madbacadaha (Bookshops) Puntland.

 

Marwo Sahro Ahmed Koshin oo horay buuggaag kala duwan u qortay ayey ku qortaa luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska waxayna buuggan ku qortay luuqada Ingiriiska, Sahra ayaa ka mid ah Aas-aasayaasha Ururka Qorayaasha Haweenka Puntland, dhawaana waxay sheegtay in ay soo wado buuggaag kale oo bulshada muhiimad u leh.

 

4?????????????6

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s