Malala Yousufzai oo ku guuleysatay Bilada Nobel OCTOBER 10, 2014

qq

Gabadha u dhalatay dalka Pakistan ee Malal Yousufzai oo ah qof u dooda waxbarashada gabdhaha iyo Nin u dhashay dalka India ayaa si wadajir ah sanadkan ugu guuleystay bilada Nabada ee caanka ah ee [Nobel Peace Price].

Malala ayaa biladan la qeybsan doonta nin lagu magacaabo Kailash Satyarthi oo ah nin si weyn ugu ololeeya joojinta caruurta aan qaangaarka ahayn ee laga dhigo shaqaalaha.

Labadan qof ayaa kasoo kala jeeda dalalka jaarka ah ee Pakistan iyo India, waxaana lagu dhawaaqay biladan maanta oo Jimce ah,

Warkan ay ku farxeen in badan oo ku dhaqan labadaasi dal ayaa kusoo beegamaya xili ay wadamadaasi ay maalmihii lasoo dhaafay kawadeen gobalka Kashmiir duqeymo ay ku dhinteen in ku dhaw 30 qof.

Bilada Nobel Peace Price ayaa waxaa wehlisa lacag gaareysa 1.5 Milyan oo dollar lacagtaasi oo ay wada qeybsan doonaan Malala iyo Kailash Satyarthi.

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s