Wasaaradda haweenka Soomaaliya oo fursado shaqo siisay haween la nool xanuunka HIV/AIDs

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ayaa dhowaan waxaa laga  shaqaaleysiiyay laba dumar ah oo uu ku dhacay  xanuunka HIV/AIDS , Nasteexo Maxamed  oo 27 sano jir  ah ilmeheedii afaraadna  uurka ku sidda  ayaa ka mid ah dumarka fursadda shaqo laga siiyay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda  aadanaha, waxbarashada waxay ka gaartay heer dugsi sare, labo ka mid ah carruurteeda waxay dhashay  iyadoo caafimaad qabta, kadib markay ninkeedii ay kala tageenna iyadoo joogta gobollada dhexe  waxaa ku dhacay fayraska HIV, Nasteexo reerkeedii waxay ku dayriyeen xanuunka ku dhacay dartiis waxayna ka mamnuuceen in ay reerka la sii noolaato maaddaama ay u arkeen in ay qabto cudurkan, oo badanaa dadka qaba lagu takooro.
Nasteexo waxay guursatay sida ay inoo sheegtay nin isaguna  qaba HIV/AIDS, ilmihii labaad ayayna uurka ku siddaa hadda, “Hadda waxaan ahay xaamilo intaan cudurkaan qabayna waxaan dhalay gabar caafimaad qabta waana Alle mahaddiis in aan ilmihii labaad uurka ku sido intaan xanuunkaan qabay, waxaana rajeynayaa in uu Ilaahay iiga badbaadiyo ilmaha aan uurka ku sido cudurka i haya sida tii hore oo kale”.
Nasteexo oo aan kula kulannay  xarunta wasaraadda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha  iyadoo hawl maalmeedkeedii shaqo wadata ayay sheegtay in qarashka ay ka hesho wasaaradda ay ku biisho saddexda carruurta ah ee ay dhashay, ninkeeda oo aan isna wax shaqo ah hayn lana liita cudurka HIV/AIDS iyo waliba hooyadeed oo ay wax uga dhiibto lacagta ay mushaar ahaanta u siiso wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.
Idil Cabdalle, oo  ah gabadha labaad ee dhowaan laga shaqaaleysiiyay wasaaradda  haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha oo ah hooyo haysata afar carruur ah, dugisi sare ayay dhammeysatay ka hor intaysan guursan , xilli uu raadiyo Ergo xog waraysi la yeeshay ayay u sheegtay in ay aad ugu faraxday markii shaqadaan la siiyay maaddaama ay ku jirto duruufo adag oo iskugu jiray  xanuunka haya, shaqo la’aan iyo ubadkeedii oo  aan haysan cid kale oo caawisa una baahan nolol .
Idil Cabdalla, xanuunku wuxuu ku dhacay ka dib markay u dhooftay Sacuudiga, ka dib markii ay ninkeedii hore kala tageen iyadoo laba carruur ah u haysa, Idil waxay sheegtay in ay Sacuudiga ku guursatay nin Soomaali ah oo qabay HIV/AIDS, iyadoon xanuunka ku ogeyn siday xustay ilmihii koobaad oo isna xanuunkii qaba  markay u dhashayna waxay ogaatay in uu haleelay cudurka HIV/AIDS, nasiib wanaag waxay ilmihii labaad u noqdeen kuwo ka bedbaaday cudurka hayay iyada, ninkii qabay iyo ilmihii koobaadba.
Cabdifitaax Maxamed Axmed (Qafiifow) oo warbaahinta u qaabilsan wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, si dhowna ula shaqeeya labadaan dumarka ah ee qaba HIV/AIDS ayaa sheegay inuusan dhibaato u arkin inuu shaqo wadaag la noqodo  dad qaba HIV,
“Si caadi ah ayaan ula tacaamulnaa dumarkaan xanuunsan , sida shaqaalaha kale ayaan ula sheekeystaa umana arko cudurkaan in wada shaqeyn iyo sheeko lagu kala qaado”
Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay ahayd sababtii ay u shaqaalaysiiyeen dumarkaan buka in ay ka eegeen dumarnimadooda iyo carruurta ay haystaan ”Horta marka koobaad ma ahan xanuunkaani mid shaqo lagu kala qaado, mana ahan in lagu takooro qofka qaba, waxaan ka eegnay xaqa uu u leeyahay qofka Soomaaliga ahi  inuu helo xuquuqaha aasaasiga ah dastuurka dalkana waa ku qorantahay, waxaan kaloo ka eegnay inay haystaan carruur,”.
Tallaabadaan ay qaadday wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha waa mid ku dayasho mudan sababtoo ah dadka qaba cudurka HIV/AIDS  waa dadka ugu nugul bulshada waxayna u baahan yihiin taageero dhaqaale iyo mid niyad oo ah in aan laga dhexsaarin reerahooda iyo bulshada kale, labadaan haweenka ah ayaa ka tirsan qaybta wacyi gelinta ee wasaaradda haweenka dawladda Soomaaliya.
Xigasho    R.ergo
Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s