Wasaarada haweenka oo ka hadashay dhaqan gelinta sharciga joojinta gudniinka gabdhaha

lllllllllllllllll

Agaasimaha horumarinta iyo xiriirka gobolada ee wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa ka hadashay natiijada ka soo baxday barnaamijyadii xuska 8-da maarso, qorshaha wasaaradda ee sanadka ugu horeeya iyo sharciga joojinta gudniinka gabdhaha oo madaxweynaha Puntland saxiixay sabtidii.

 

Luul Jaamac Aw-nuur ayaa ku tilmaamay sharcigaas inuu ahaa waxyaabihii ugu waa waynaa ee haweenku u soo baxay sanadkan iyadoo lagu jiray dabaal-degyadii xuska maalinta 8 maarso.

Wasaaradda haweenka ayaa dadaal dheer ugu jirtay in sharciga lagu daro joojinta gebi ahaanba gudniinka gabdhaha iyo kan fircooniga oo dhibaatooyin badan u keena dumarka, sida ay sheegtay Agaasimaha horumarinta iyo xiriirka gobolada

Agaasime luul Jaamac Aw-nuur ayaa rajo wanaagsan ka muujisay inuu dhaqan-galo sharciga cusub, in kastoo la filan karo caqabado hor istaagi kara hir-gelinta joojinta guud ahaanba gudniinka gabdhaha yar yar.

“dhan kasta waa la fishaa, laakiin waxaan u malaynaa wuxu markuu sharci noqdo is hortaagiisu aad buu u yaraana, laakiin khasaare iyo  faa’iido labadaba waa la fishaa.” Ayey tiri Agaasimuhu.

Gudniinka fircooniga ayaa mudo dheer dadaal loogu jiray in la ciribtiro in kastoo aan guul dhamaystirsan weli laga gaarin joojintiisa, waxaa jiray weliba dhowr jeer oo doodo ka dhasheen in la joojiyo.

Agaasime luul Jaamac Aw-nuur sidoo kale waxay nooga warantay qorshaha wasaaradda haweenka lagula xisaabtami doono ee ay ku soo bandhigeen shirkii qorshe howleedka xukuumada ee sanadka ugu horeeya oo sabtidii madaxweynuhu soo xiray.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sabtidii sheegay in dowladdu dadaal u gelayso in la dhaqan-geliyo xeerkaas, culimada ayaa horay fatwo diini ah uga soo saaray gudniinka sidoo kale xukuumadii hore ayaa saxiixday bishii December joojinta gudniinka.

Xigasho   hmedia

This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a comment