Munaasabada maalinta haweenka aduunka 8 marso oo muqdisho si weyn looga xusay

??????????????????????????????????????????????????????????????

Munaasabad ballaaran oo si weyn loo soo agaasimay, laguna maamuusayay Maalinta haweenka aduunka ee 8-da Maarso ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo Ururada haweenka degmooyinka, booliska, asluubta, Fanaaniinta iyo Isboortiga ay socod ku mareen wadooyinka iyagoo watay boorar.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa waxaa gacan ka geysatay Hey’adda CCD, waxaana ka soo qeyb galay Marwada Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirada Haweenka, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, saraakiisha ciidamada qalabka sida, Gudoomiyeyaasha 17-ka degmo iyo ururada haweenka degmooyinka.

Xarunta Gaadiidka Booliska oo ay isugu soo aruureen Haweenka Soomaaliyeed ee maamusayay maalinta ku weyn Haweenka Aduunka ee 8-da Maarso hidaha iyo dhaqanka, suugaan kala gedisan, guurow, gaada ka ciyaar, waxaana Kooxda Muusikada ee Baambeyda Qaranka ay garaacayeen muusikada iyo astaanta calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

??????????????????????????????????????????????????????????????

Marwada Madaxweynaha, Wasiirada Haweenka Drs Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa waxay Ciidamada booliska iyo kuwa Asluubta ay ka qaateen salaan sharaf.

Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Drs. Khadiijo Maxamed Diiriye oo gaba gabadii ka hadashay munaasabada ayaa waxay hambalyo guud u dirtay dhamaan haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ugu hambalyeysay maalinta Haweenka Aduunka ee 8-da Maarso.

“Haweenka Soomaaliyeed oo ah laf dhabarka bulshada, waxaan dhamaan meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa maalinta 8-da Maarso, oo ah maalin qiimo weyn ugu fadhida haweenka, waxaan u rajeynayaa haweenka Soomaaliyeed in sanadkan kiisa kale ku gaaraan nabad, barwaaqo, caafimaad iyo midnimo”ayay tiri Drs. Khadiijo Maxamed Diiriye.

??????????????????????????????????????????????????????????????

Ugu dambeyn Munaasabadan ayaa ku soo gaba gabowday jawi heer sare ah, waxaana caawa Muqdisho ka dhici doona dabaal degyo waa weyn oo lagu weyneynayo maalinta haweenka aduunka, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.

???????????????????????????????

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s