Shirkii looga tashanayey xuquuqda Insaanka dalka ee ka socday Garoowe oo la soo xiray

??????????????????????????????? ???????????????????????????????                      0

Qaybta shirarka ee xaruunta hay’adda cilmi baarista Puntland ee PDRC waxaa maanta lagu qabtay shir looga  tashanayey dhismaha guddiga & qabyo qoraalka xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, kaas oo aan weli la ansixin

.???????????????????????????????

Wasiiro ka tirsan dowladda Puntland, aqoon yahano, waxgaradka bulshada, madax ka socday wasaarada Garsoorka dalka iyo

 

khuburo ku xeel dheer xeerarka xuquuqda Aadanaha ayaa shirka khudbado kala duwan ka jeediyey, waxaa aad loo lafa-guray dhismaha xeerka & gudiga.???????????????????????????????

Hay’adda Inter News ayaa aruurinaysay fikradaha shirka maanta dhacay, Puntland ayaa sheegtay in aysan khusayn fikradaha goobta laga jeedinayo, sida uu sheegay wasiirka cadaaladda, diinta iyo dhaqan celinta oo shirka furay.

Inta badan fikradihii goobta laga jeediyey ayaa u badnaa kuwa lagu dalbanayey in dib u habayn lagu sameeyo qabyo qoraalka xuquuqda dadka ee Soomaaliya, hay’adda Inter News ayaa sidoo kale laga dalbaday in kordhiso shirarka

Baarlamanka Soomaaliya ayaa dalbaday in ka hor ansixinta la tashiyo badan laga sameeyo hindise sharciyeedka xuquuqda dadka ee Soomaaliya, sida uu sheegay agaasimaha xuquuql Insaanka ee wasaaradda Garsoorka Soomaaliya Yaasiin Cali Xayle

Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe ayaa ilaa hadda lagu qabtay shirarkan, Inter News ayaa gaarsiinaysa shirka ka tashiga guddiga madaxa banaan ee xuquuqul Insaanka iyo weliba xeerka qabyada ah magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

 

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s