Wasiirka haweenka Puntland Anisa Xaaji muumin oo shaqada wasaarada la wareegtay

??????????????????????????????????????????????????????????????

Wasiirka cusub ee wasaarada haweenka iyo horumarinta arrimaha qoyska  ee Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Mumin  ayaa maanta xilka kala wareegtay wasiirkii hore ee wasaarada Xaliimo Xaaji Xasan

Munaasabad ay ka soo qayb galeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda iyo marti sharaf kale ayaa maanta ka dhacday xaruunta wasaarada haweenka ee Garoowe, labada wasiir ayaa si toos ah xilka ula kala wareegay.

 

 

Wasiirkii hore ee haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland Xaliimo Xaaji Xasan oo hadal jeedisay ayaa sheegtay in haweenka Puntland ay u baahan yihiin in waxbadan loo qabto, ka hortaga tacadiyada haweenka ayaa ka mid ah howlaha ugu badan ee wasaaradu ka shaqayso, waxay xustay wax badan oo wasaaradu guul ka gaartay.

“ma ogtihiin inay weli jirto hooyo foolanaysa oo rati lagu keenayo meel caafimaad, bal qiyaasa arrintaas.” Ayey tiri wasiirkii hore oo ka hadlaysay tacadiyada haweenka oo ay ku jiraan kufsi, handadaad iyo xuquuqdooda oo inta badan laga leexdo, sida ay hadalka u dhigtay.

Haweenka ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu muujiyo doorkooda xuquuqda siyaasadda, wasiir ku xigeenkii hore ee haweenka Maymuun Cabdi ducaale oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in haweenku xilka qabtay ay weli yar yihiin.

Docda kale, Wasiirka cusub ee haweenka iyo arrimaha qoyska Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa soo dhowaysay xilka ay maanta la wareegtay, waxay sheegtay in ay diirada saari doonto dhiiri-gelinta arrimaha qoyska oo ay sheegtay in raggu uu soo hoos gelayo.

wasiirka cusub ayaa la wareegtay $147.000 Kun iyo qalab kala duwan oo lagu shaqaynayey

“Meelaha fog fog in la gaaro oo wax laga qabto waa muhiim, waxaan hubin doonaa baahidu sida ay tahay iyo sida loo kala daran yahay.” Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa intaas ku dartay in difaaca xuquuqda caruurta iyo haweenka dhibanba ay si wanaagsan ula shaqayn doonaan.

 

Haweenka ayaa bilaabay dhamaadkii sanadkii hore kacdoon ay ku doonayeen in ay helaan xuquuqdooda siyaasadeed, waxaana haatan ay heleen 5 wasiir iyo wasiir ku xigeeno isugu jira, wasiirka haweenka Puntland Dr. Anisa Cabdulqaadir ayaa shalay xilka loo dhaariyey markii ay dalka ku soo noqotay toddobaadkan.

???????????????????????????????

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s