Haweenka oo 2 xubin oo kaliya ka helay Xildhibaanadii lashaaciyay ee Puntland.

 

2

 

Xildhibaanadii lagu dhawaaqay Caawa ee Golaha Wakiilada Puntland oo ay soo gudbiyeen gudiga Khilaafaadka iyo soo xulista Baarlamaanka 5ta sano ee soo socota ayaa liiskooda laga helay 2haween ah oo ka socotay gobolka Mudug Raxma Cabdi-Xabiib Jaamac iyo farax Caydiid Casoowe oo Sool ka socotay iyadoo 65ta kalena ay rag miiran yihiin.

haweenka ayaa in dhawaaleba ka waday Magaalada Garoowe iyo Gobolada kale ee Dalka abaabulo ku aadan sidii ay u heli lahaayeen ugu yaraan gobol walba hal xubin inkastoo rajadaasi ay burburtay, waxaa muuqata Gbolka Mudug Sool mooyaane in gobolada kale laga soo xulay Rag iyadoo hal dumar ah ku jirin,

Beri subax ayeey haweeku u balansanaayeen in ay qabsadaan Shirweyn oo ay arintan uga hadlayaan iyo sidii ay xubno fiican ku heli lahaayeen hase ahaatee riyadaasi waxaa beeniyay liiskii caawa soo baxay ee Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo aygudiga ansixinta khilaafaadka ku dhawaaqeen.

lama oga talaabada ay qaadi doonaan haweenka lamase oga talaabada ay qaadi doonaan Musharaxiinta iyadoo aan la ogayn Go’aanka ay qaadan doonaan isimadii ku dhawaaqay inaan xildhibaanada lagu dhawaaqi karin ilaa iyaga lasoo mariyo hase ahaatee waa beriga ayuu warku kala cadaan doonaa.

xigasho    RBC radio

 

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s