Haweenka Puntland oo Saluugay Qaybta ay ka Heleen Xildhibaanada Cusub ee Puntland

 iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay si balaaran haweenka Puntland uga shirayeen in doorkooda siyaasada ay ku lee yihiin iyo in ay qaybtooda ka helaan baarlamaanka ayaa xalay waxaa liiska xubnaha cusub lagu arkay oo kaliya magacyada labo gabdhood.

Labadaan xubnood oo ay haweenka Puntland ka heleen baarlamaanka ayaa kasoo kala jeeda Gobaladda Sool iyo Mudug,taasoo dhalisay haweenku inay ka saluugaan baarlamaanka cusub.

Farax Caydiid Casoowe (Sool) Raxmo Cabdixabiib Jaamac (Mudug) labadaan xubnood ayaa lagu arkay liiska magacyadda xildhibaanada cusub.

3

Wasiirr ku xigeenka wasaradda Caafimaadka Puntland Marwo Saynab Ugaas Yaasiin ayaa qabta haweenku inay xaq ku lee yihiin baarlamaanka inay ka hellaan sagaal xubnood maadama Puntland ay ka kooban tahay sagaal godob, gobal kastana haweenka inay xuban ku lee yihiin.

Arrintaasi waxay ku eedeeyeen Isimadda Puntland, balse isimada ayaa sheegay inay soo xuleen baarlamaanka odayaasha dhaqanka iyo caaqilada balse ay shaqadoodu tahay inay saxiixaan oo ay gudbiyaan.

Haweenka ayaa door wanaagsan ku leh arrimaha horumarka iyo dhamaynta khilaafyadda beelaha soo kala dhexgala, waxayna sheegaan inay lee yihiin aqoon yahanno iyo siyaasiyiin si mug leh xaalada wadanka uga qayb gali kara.

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s