Gabadh soomaliyeed oo loodoortay golaha fulinta ee ururka NAACP

                                f
Farxiyo Khalif Jordan ayaa loo doortay in ay ka mid noqoto golaha fulinta ee ururka weyn ee NAACP qeybtiisa magaalada Minneapolis. Waxaa xilkan Farxiyo kula tartamayay 3 qofood oo kale oo Mareykan ah. NAACP waa ururka ugu weyn ee u dooda xuquuqda dadka madowga ah ee ku nool Mareykanka. Waxaa la aas aasay 1909. Dhaqaalohooda sanadka, waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 28 milyan oo dollar.

Farxiyo waxay noqotay qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo loo doorto xilkan. Waxay qeyb ka noqoneysaa golaha fulinta ururka oo go’aaminaya siyaasada iyo dhaqaalaha ururka ee magaalada Minneapolis. Soomaalida degan gobolka Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis, waxay dhawaanahan qeyb libaax ka qaataan siyaasada hoose ee gobolka. Waxaa dhawaan golaha magaalada Minneapolis loo doortay markii ugu horeysay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Abdi Warsame. Sanadka soo socda waxaa doorasho u taagan Siad Ali oo u tartamaya in uu xubin ka noqdo gudiga golaha waxbarashada ee magaalada Minneapolis iyo Mohamud Noor oo u taagan in uu noqdo ninkii ugu horeeyay ee gala baarlamaanka gobolka Minnesota. Farxiyo Jordan waxay sheegtay in ay isku xiri doonto Soomaalida Minneapolis iyo ururkeeda si ay uga wada shaqeeyaan hormarinta xaquuqda dadka laga tirada badan yahay ee ku nool magaaladeeda.
Farxiyo waxay noqotay qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo loo doorto xilkan. Waxay qeyb ka noqoneysaa golaha fulinta ururka oo go’aaminaya siyaasada iyo dhaqaalaha ururka ee magaalada Minneapolis. Soomaalida degan gobolka Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis, waxay dhawaanahan qeyb libaax ka qaataan siyaasada hoose ee gobolka. Waxaa dhawaan golaha magaalada Minneapolis loo doortay markii ugu horeysay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Abdi Warsame. Sanadka soo socda waxaa doorasho u taagan Siad Ali oo u tartamaya in uu xubin ka noqdo gudiga golaha waxbarashada ee magaalada Minneapolis iyo Mohamud Noor oo u taagan in uu noqdo ninkii ugu horeeyay ee gala baarlamaanka gobolka Minnesota. Farxiyo Jordan waxay sheegtay in ay isku xiri doonto Soomaalida Minneapolis iyo ururkeeda si ay uga wada shaqeeyaan hormarinta xaquuqda dadka laga tirada badan yahay ee ku nool magaaladeeda. comments comments
Read more at: http://marqaannews.com/2014/01/02/arin-cusubgabar-soomaaliyed-loo-dortay-arin-waligeda-gabar-soomaaliyed-loo-dooran/
Farxiyo Khalif Jordan ayaa loo doortay in ay ka mid noqoto golaha fulinta ee ururka weyn ee NAACP qeybtiisa magaalada Minneapolis. Waxaa xilkan Farxiyo kula tartamayay 3 qofood oo kale oo Mareykan ah. NAACP waa ururka ugu weyn ee u dooda xuquuqda dadka madowga ah ee ku nool Mareykanka. Waxaa la aas aasay 1909. Dhaqaalohooda sanadka, waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 28 milyan oo dollar. d170_zps6e999967
Read more at: http://marqaannews.com/2014/01/02/arin-cusubgabar-soomaaliyed-loo-dortay-arin-waligeda-gabar-soomaaliyed-loo-dooran/
Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s