Kulan looga Dooday Xad-gudubyada Haweenka lagula kaco oo lagu Qabtay Xarunta IIDA ee Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

??????????????????????????????????????????????????????????????

 Kulan looga dooday xad-gudubyada haweenka loo geysto, difaacidda bulshada iyo sidii iyadoo lawada jiro looga hortegi lahaa ayaa Axaddii la soo dhaafay 08-dii December 2013 lagu qabtay xarunta IIDA ee Muqdisho.

Kulankan doodda ah ayaa qayb ka ah kulamo wacyi-gelin ah oo ku saabsan wacyi-gelinta ka hortagga xadugudbyada ka dhanka ah haweenka oo loo qabtay: dhallinyarada, hoggaamiyeyaasha diinta, waxgaradka, booliiska iyo haweenka.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay qaybaha shacabka, si loogu baraarujiyo ka qaybqaadashada wayi-gelinnada looga hortagayo dambiyada ka dhan ah haweenka.

 

????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

“IIDA iyo xubnihii kulanka kasoo qaybgalay waxay isla garteen in la dajiyo habab muhiim u ah ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

 

Xadgudubyada lagula kaco haweenka waa kuwo taabanaya ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka qof walba oo ku nool gobollada Soomaaliya, iyadoo la sheegay inaan la hilmaamin kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha oo inta badan loo geysto xadgudubyada.

 

xigasho  HOL

 

 Dooddan ayaa waxaa qabatay hay’adda horumarinta haweenka ee IIDA oo kaashanaysa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, wasaaradda horumarinta adeegga bulshada dowladda Soomaailya iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

 

 

“Dal kasta oo caalamka ku yaalla hoggaamiyeyaashiisa waxay qayb weyn ka qaataan sidii loo dhisi lahaa xiriirka ka dhexeeya bulshada, kaasoo ay ugu muhiisan tahay adkeynta xiriirka u dhexeeya hooyada iyo cunugga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay kulanka kasoo saartay IIDA.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka lagu casuumay xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo qaybaha bulshada, maadaama ay howshan iyagu yihiin kuwa u dhuun-daloola. Iyadoo la rumeysan yahay inay kaalin mug leh ka ciyaaraan nolosha maalin laha ah ee bulshada ayna yihiin kuwa fulin kara wacyi-gelinnada loo baahan yahay.

 

Advertisements
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s