Dumarka Soomaaliyeed oo noqday kuwa ugu quruxda badan qaarada Afrika

2323

Sida uu lagu daabacay shabakada starrfmoniline.com dumarka ku nool dalalka Somaliya,Djibouti iyo Ghana ayaa ah kuwa ugu quruxda badan wadamada qaarada Afrika.

Shabakadan ayaa qortay in haweenka Ghana ay noqdeen kuwa saddexaad ee ugu quruxda badan Afrika marka loo fiiriyo codbixin ay shabakadu samaysay taasoo haweenka Soomaaliyeed ay ugu sare mareen halka dalka Djibouti ay hablahoodu ka galeen kaalinta labaad, waxayna codbixintan u aqoonsatay haweenka Soomaaliyeed kuwa ugu quruxda badan qaarada Afrika.

Marka laga soo tago dalka Ghana oo kaalinta saddexaad galay ayaa waxa ay wadamada kale ay u kala hormareen sidan Egypt, Eritrea, Ethiopia, Morocco, Kenya, Kenya, Rwanda iyo Seychelles waxaana wadanka ugu hooseeya ee kaalinta 54aad uu noqday dalka Jamhuuriyada Bartamaha Afrika.

Inkastoo dalka CAR uu codbixintan ka galay kaalinta ugu hooseysa ayaa hase ahaatee waxaa ku jira tobanka dal ee ugu hooseeya dalalkaRepublic of Congo, 53; Swaziland, 52; Guinea Bissau, 51; Burkina Faso, 50; Equatorial Guinea, 49; Lesotho, 48; Malawi, 47; Chad, 46 iyo Democratic Republic of the Congo (DRC), 45.

Codbixintan ayaa waxaa laga sameeyay dad booqday bogga shabakada samaysay taasoo sawiro muujinaya haweenka qaarada Afrika lagu soo bandhigay iyadoo inta tiri ‘like’ ama ‘dislike’ ay ahayd tirada la tiriyay. Waxaana sida muuqata ugu badnaa haweenka dalka Soomaaliya dadka booqday ee gujiyay ‘like’.

Waxaana muuqata in codbixintan ay ka duwan tahay kuwo hore loo sameeyay oo dalka Soomaaliya uu mar walba ka gali jirey kaalinta ugu hooseysa sida dalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka.

This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a comment