Gabadh Soomaaliyeed oo ku dhawaaqday inay u Taagantahay Madaxtinimada Soomaaliya ee 2016

22

Warbaahinta dalka Finland maanta waxaa ay si gaar ah u hadal hayaan sheekadda ku saabsan haweeney Soomaaliyeed oo ku nool dalka Finland oo doonaysa inay Soomaaliya Madaxweyne ka noqoto  marka la gaaro sanadka 2016.

Fadumo Dayib oo Soomaaliya ka carartay sanadkii 1990 haddana cilmiga siyaasadda ka barata jaamacadda Harvard ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay Soomaaliya M/weyne ka noqoto oo ay isku soo sharaxdo doorashada dalka ka dhacaysa 2016.

Fadumo waxay sheegtay inay doonayso inay noqotay qofkii ugu horeeyay ere dumar ah oo qabta xilka madaxtinimada Soomaaliya waxaana ay intaa ku dartay inay aaminsantahay inay shaqadaas qaban karto, waxaana  ay intaa ku dartay inay isa soo sharixi doonto ayadoo aan soo marin hab beeleed.

“Waxaan doonayaa inaan noqdo Madaxweynaha Soomaaliya waxaana aaminsanahay in markaan ay tahay xilligii dumarka fursad la siin lahaa sababtoo ah dumarka hadda waxay hogaanka u hayaan hawsha guriga, dhaqaalaha wadanka iyo kala agaasinka hawsha guriga marka waaba ay qaban karaan shaqadaan oo kale” ayay tiri Fadumo Dayib oo la hadashay mid ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalka Finland.

Haddii ay noqoto Madaxweynaha Soomaaliya waxay sii balan qaaday inay wax qabanayso shaqo la’aanta dhalinyarada, xoojinta doorka dumarka , kor u qaadista wax barashada iyo ka hor tagista xad gudubyada loo geysto dadka la takooro.

Sanadka soo socda ayay Fadumo sheegtay inay Soomaaliya soo aadayso si u bilowdo ol olaheeda ay doorashadda u bilowdo.

“Waxaa jira dad Soomaali iyo ajaanib iskugu jira oo ol olahayga qeyb ka ah dhamaantoodna waxay u shaqaynayaan sidii qof dumar ah uu M/weyne Soomaaliya uga mid noqon lahaa” ayay tiri Fadumo Dayib.

Sidoo kale haweeneydaan waxay sheegtay inay jiraan dad badan oo uga digaya inay xilkaan isku soo sharaxdo hase ahaatee waxaa ay intaa ku dartay inay ka go’antahay inay sii wado ololaheeda waxaana ay xustay inay ku rajo weyntahay inay Madaxweyne noqoto ayadoo aan hab beeleed lagu soo dooran.

Sanadka 2016 oo ah waqtiga uu ku egyahay xilliga dawladaan hadda shaqaysa ayaa waxaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo  doorasho qof iyo cod ah  fadumo   waxay   doonisaa    inay   noqoto   role model  dumarka somaaliyeed    inkasta oo caqabado     badani horyaaliin

shaki kuma jiro in ay tahay gabadh  soomaaliyeed oo wax baratay    doonaysana inay  kasaarto    umada soomaaliyeed    maamul xumada  iyo       dawlad laanta   ,

waxay   sowora u rajaynisaa   mustaqbal fiican   faadumo  (Good lucky  )

This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a comment